Axmad Madoobe oo dalbadey in xilka la korhdiyo [Dhageyso]

Image

August 2,2015 (GO)- Madaxweynaha dowladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam "Madoobe" ayaa ka codsaday Baarlamaanka in dib loo dhigo xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxtinimo ee deegaanadaasi.

Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay inuu qoraal uu ku codsanayo dib u dhigista waqtiga doorashada inuu u gudbiyey gudoonka baarlamaanka Jubbaland, wuxuuna xusay inuusan dooneen mudo kororsi balse wuxuu tibaaxay in waqtiga la cayimay ee ah 15ka bishan ineysan suurtagal ahayn in lagu diyaar garoobo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu tixgalin doono go’aanka baarlamaanka.

Gudoomiyaha baarlamaanka Jubbaland Shiikh Cabdi ayaa shalay iclaamiyey in doorashada Jubbaland la qabanayo 15 August,2015.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM