Axmed Cabdisalaan " Dowladda ayaa caqabad ku ah ololahayga "

Image

July 1, 2015 (GO)- Siyaasi Axmed Cabdislaan Xaaji Aadan oo kamid ah murashaxiinta  u tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka Cadaado lagu dhisayo ayaa sheegay in Dowladda Federaalku caburin ku hayso ololihiisa doorashada.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in maanta garoonka Muqdisho lagu xannibay Maxamed Dahir Guuleed oo kamid ah kooxdiisa, xilli uu doonayey inuu degmada Cadaado usoo duulo.

 "Maxamed Dahir wuxuu ka mid yahay dadka ololaheyga horseedka ka ah, shalay ayaa ciidamadda nabad-sugiddu u diideen inuu garoonka Muqdisho kasoo duulo, waxaa lagu war geliyey inuusan Cadaado aadi karin isaga oo aanan lagu eedeeyn sabab kale oo aan ka ahayn inuu ololaheeyga ka shaqeeyo" ayuu yiri Murashax Axmed Cabdisalaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Dowladda Federaalku horay sidaan oo kale xannibaad u saartay Madaxa Warfaafinta Olalahiisa Musharaxnimo Cali Yare Cali ka dibna xabsi dhigtay, muddo labo todobaad ahna xiran yahay isagoo aanan wax dambi ah lagu soo eedeyn, maxakamadna la soo taagin.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay Dowladda Federaalka inay si deg deg xanibaada uga qaado Maxamed Daaahir islamaraana xorriyaddiisa dib ugu soo celiso Cali Yare Cali, faragelintana ay ka deeyso dhisamaha Maamulka Gobolladda Dhexe.

Axmed ayaa kamid ah murashaxiinta ugu cad cad kuwa tartamaya xilka madaxweynaha ee maamulka loo sameynayo gobollada Galguduud iyo Koonfurta Mudug. AKHRISO

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni.

  • Soomaliya

    27-11-2024

  • 08:36AM

Dowladda Soomaaliya oo duulaan ku ah Kismaayo

Qorshaha weerarka Axmed Madoobe ayaa noqonaya midkii labaad tan iyo 2019, oo isku daydo dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-11-2024

  • 11:44AM