Dabaaldegga Ciidda: Axmed Madoobe oo diray hambalyo iyo digniin
KISMAAYO, Jubbaland - Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa dhamaan Shacabka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadweynaha Jubaland ugu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Fidriga oo ah maalinkii koobaad ay berri tahay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in meelo badan oo kamid ah Jubbaland oo hoostaga degmada Afmadow bisha laga arkay isla markana Wasaarada diinta iyo Awqaafta Jubbaland ay xaqiijisay.
Waxaa Madaxweynahu uu sheegay in munaasabadan ay kusoo aaday xili adag oo ay dadka Soomaaliyeed la daala dhacayaan dhibaatooyin uu ugu weyn yahay xanuunka Covid19 isla markana uu rajaynayo in dadku ay raacan tilmaamaha Hay'adaha Caafimaadka.
Shacabka ayuu cod dheer uga digay halista uu leeyahay safmarka sidda fudud u faafa ee Coronavirus, isagoo ku booriyey in ay kala fogaadaan inta ay ku guda jiraan dabaaldega Ciida.
Dhanka kale, Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fidriga.
Waare oo ku hadlayay afka Golayaasha maamulkiisa ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas la shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed, isagoo Alla ka baryay in alla uu naga dulqaado Cudurka Safmarka ah ee Covid 19.
“Ilaahay ha inaga aqbalo soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Soomaalida ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah Bulshada Reer Hirshabelle, waxaan rabi uga baryayaa Guud ahaan Dunida Gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed in uu ilaah ka dulqaado Cudurka Sida daran u faafa ee Covid 19” Ayuu Yiri Madaxweyne Waare.
Wuxuu si gaar ah Ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida ee Ka howlgala Deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale ciidamada dagaalada kula jira kooxda argagaxisada Al shabaab Oo muujinaya geesinimo iyo dhalinyarada deegaanka ee macawiisleyda Oo kooxdaasi kula dagaalamaya, Deegaanno Ka tirsan Hirshabelle ayuu sidoo kale madaxweynaha Dhambaal hambalyo u Diray.
Ugu dambeyntii, Waare ayaa ugu dambeyn shacabka Soomaaliyeed Ilaahay uga baryey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan, nabad, horumar, barwaaqo iyo midnimo, sidda lagu sheegay war qoraal ah oo xafiiskiisa kasoo baxay.
MUUQAALKA AXMED MADOOBE
GAROWE ONLINE