Axmed Madoobe iyo Donald Yamamoto oo kulmay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, iyo danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, Donald Yamamoto, ayaa Khamiista maanta ah ku kulmay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Kulankan kusoo aaday xilli lagu waddo in ay Muqdisho ku shiraan hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa ka dhacay hoyga Axmed Madoobe ka degan yahay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee caasimada.

Madaxtooyadda Jubaland oo qoraal kooban kasoo saartay shirkan ayaa daaha ka rogtay in is-aragan gaarka ah diirada lagu saarey xaaladihii ugu dambeeyay ee waddanka gaar ahaan xalka khilaafka ka jira doorashooyinka.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa hoyiga uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha Dowlada Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Ambassador Donald Yamamoto," ayaa lagu daabacay barta Facebook ee Madaxtooyadda Jubaland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha Doorashada iyo sidii beesha caalamku ay qeyb uga qaadan lahayd sidii Doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay ay dalka uga dhici lahayd".

Jubaland ayaa xudun u ah khilaafka ka jira doorashooyinka si gaar ah waxaa u khuseeya qodobka dooda ugu culus ka taagan tahay oo ah arrinta gobolka Gedo oo Villa Soomaaliya dooneyso in ay soo xulato xubnaha ka imaanaya.

Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu isku koobay gobolkaas kuna adkeyneysanayo in Jubaland aysan ku lug-yeelanayn xulista Xildhibaanada lagu doorto Gedo federaalka ka tirsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM