Axmed Madoobe iyo Farmaajo oo ku kulmay Villa Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyada Soomaaliya waxaa habeenimadii Jimcada 4-tii September, sanadkan 2020 kulan ku yeeshay madaxweyne Maxamad Cabdulahi Farmajo iyo madaxweynaha Jubaland, Axmad Madoobe.

Kulankaas ayaa, sidda ilo xog-ogaal ah u sheegeen Garowe Online, waxaa looga hadlay qaar kamid ah caqabadaha hortaagan shir dhexmara madaxda ku sugan magaalada Muqdisho.

La islama gaarin heshiis, sidda xogta muujineyso, balse waxaa jira kulan kale oo loo balamay maalinta berri ah kaas oo u dhaxeyn doona madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamulada Jubaland iyo Puntland.

Qodobada la isku hayo ayaa waxaa ugu muhiimsan; in shirka Muqdisho ku soo biiraan Madaxda Sadexda maamul oo maqan iyo in ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya si rasmi ah uga baxaan gobolka Gedo.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Farmaajo uu kasoo horjeedo in hogaamiyeyaasha Galmudug, HirShabelle iyo Koonfur Galbeed ay kusoo biiraan wadahadalada ka furmaya magaala madaxda waddanka.

Farmaajo ayaa mudadii uu socday shirkii Dhuusamareeb2 wuxuu balanqaadey in ciidamadda dowladda laga saari doono gobolka Gedo, balse talaabadaas waxay u muuqaneysaa mid gabi ahaanba aysan jirin wax ka fulay.

Talaadadii todobaadkii hore ayay Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullaahi Deni u tageen Muqdisho wada-xaajoodyadda arrimaha doorashooyinka 2020-21, taasoo nooca lagu galayo aysan caddeyn iyaddoo laga digayo dheereysi.

Kulanka Axmed Madoobe iyo Farmaajo ayaa is-araggii ugu horeeyay oo rasmiya marka laga reebo casho ay wada qaateen maalintii lasoo dhaweeyay habeenkeeda; habeenkii Arbacada waxaa baaqdey shir loo madalsanaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM