Axmed Madoobe iyo wafdi uu horkacayo oo ku laabtey Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] oo ay wehliyaan hogaanka Golaha Isbedel Doonka Jubaland ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay caasimadda ku meelgaarka ah ee Kismaayo.

Axmed Madoobe, Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar ayaa kasoo kicitamay caasimadda waddanka Kenya ee Nairobi, halkaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ay ku wadahadlayeen.

Mas'uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Jubbaland ayaa kusoo dhaweeyay Sayid Maxamed Cabdille Xasan ee xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Soo dhaweynta kadib, iyagoo warbaahinta si kooban ula hadlay waxay cod dheer kaga mahadceliyeen qaabka heerka sarre ee loo qaabilay.

Wada-xaajoodyaddii ay ku yeesheen Nairobi ayaa natiijadda kasoo baxdey waxay noqotay in ay "heshiis taariikhi ah" kusoo afjaraan khilaafka siyaasadeed iyo kala qeyb-sanaantii ka dhalatay doorashadii August, 2019.

Beesha Caalamka oo war-saxaafadeed ku soo dhaweysay heshiiskaas ayaa ku tilmaamtay mid dhabaha u xaari kara in la dhameeyo madmadowga kale ee jira.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa bogaadiyey heshiiska, iyagoo xusuusiyey dowladda federaalka in ay miiska wadahadalka la fariisato dhinacyada kale ka aragtida duwan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM