Axmed Madoobe iyo Xasan Sheekh oo ku kulmay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho kula kulmay madaxweynihii 8aad ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa "kala hadlay doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka".

Ma cadda ajendaha dhabta ah oo madaxda ku gorfeysay kulankooda. Balse, illo ku dhow waxay soo warinayaan in uu qeyb ka yahay galaan-galka siyaasadeed ee la xiriira coddeynta soo aadan.

Madaxtooyadda Jubaland oo fahfaahin kooban kasoo saartey kulankan ayaa sheegtey in uu ka qabsoomay hoyga uu Xasan Sheekh ka degan yahay magaala madaxda waddanka dhaca Geeska Afrika.

"Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan talo wadaag ah la qaatay Madaxweynahii hore ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud," ayay tiri Madaxtooyadda.

Qoraalka ayay raacisay: "Madaxweynaha oo hoyigiisa ku booqday Madaxweynahii hore Dalka ayaa kulankan waxaa ay kaga wada hadleen labada Masuul Arimaha Doorashooyinka iyo wakhtiga kala guurka ah.

Axmed Madoobe ayaa magaala madaxda uga qeybgalaya wadaxaajoodyada arrimaha doorashooyinka 2020-21 kuwaasoo ka socda Villa Soomaaliya isla markaana gabagabada laga soo saari doono war-murtiyeed.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad kala guur ah taasoo aysan caddeyn qaabka looga gudbayo. Shirka Muqdisho wuxuu dhabaha u xaari karaan nidaamka waddanka uga gubayo mar-xaladan oo ah mid xasaasiyad leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM