Axmed Madoobe oo baaq kasoo saarey fatahaadaha ka dhacay Dalka

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxwayne Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay fatahaadaha ka dhacay guud ahaan Dalka gaar ahaana saameyn ku yeeshay qeybo kamid ah Jubbaland, sida Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo iyo jasiirada Madhawo ee gobolka Jubbada hoose iyo sidookale fatahaadaha ka dhacey magaalada Qardho ee gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland.

Fatahadahaan ayaa geystay khasaaro laxaad leh oo Naf iyo Maalba leh, ayadoo ay boqolaal Qoys ka barakaceen hoygoodii hantidoodiina ku wayeen. Madaxwaynaha ayaa walaac ka muujiyay saameynta ay leedahay dhibaatada baahsan ee soo gaartay qoysaska dan yarta ah.

“Waxaan ugu horreyn murugada iyo dhibka la qeybsanayaa dhammaan qoysaska ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay guud ahaan deegaannada Jubbaland gaar ahaana Baardheere iyo Madhawo anaga oo dadaal adag ku bixin doonna sidii aan uga qeyb qaadan lahayn badbaadinta iyo samata bixinta qoysaska danyarta ah ee ay dhibtu saameysay".

Wuxuu ku daray: "Waxaan ugu baaqayaa dadka in ay ka digtoonadaan fatahaado horleh oo ay suurtagal tahay in ay dhacaan maddaama la filaayo xili robaadkaan in uu noqdo mid ka xoog badan roobabkii hore".

Madaxwayne Axmed ayaa ugu baaqay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada in ay u gurmadaan walaalahooda ay saameeyeen fatahaadaha roobka kadhashay.

Sido kale madaxwaynaha ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay gurmad degdeg ah laso garaan shacabka Soomaaliyeed ee ku masiibooyinku ku habsadeen ee ku nool Degmada Baardheere iyo Jaziiradda Madhawo.

Axmed Madoobe ayaa ammaan iyo bogaadin uso jeediyay dhalinyarada, ganacsatada iyo siyaasiyiinta isu xilqaamay u gurmashada shacabka dhibaataysan ee ku waxyeeloobay fatahaadaha culus ee ka dhacay degmada Baardheere.

Ugu dambeyntii, waxaa uu xusay in ay Wali jirto khatar ay wajahayaan dadka ku nool jiinka Webiga Jubba iyo Dooxooyinka kuwaas oo mar kale daadad iyo fatahaado xoog leh gaysan kara.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM