Axmed Madoobe oo dalbaday in doorashada dib loo dhigo [DHEGEYSO]

Image

August 3, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa ka codsaday baarlamaanka Jubaland in dib loo dhigo xiliga la qabanayo doorashooyinka madaxtinimada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in qoraal uu ku dalbanayo dib u dhigista waqtiga doorashada u gudbiyey guddoonka baarlamaanka Jubbaland.

Mar uu sharraxayey sababta ku kalliftay inuu go'aankan qaato, wuxuu sheegay in uusan dooneyn muddo kororsi, balse waqtiga baarlammaanku iclaamiyey ay muddo koobani ka harsan tahay suurogalna ahayn in lagu diyaar garoobo.

Shalay ayey ahayd markii Guddoonka Baarlammaanka Jubaland shaaciyey in doorashada madaxtinimadu dhici doonto 15-ka bishan August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM