Axmed Madoobe oo fariin u diray DF kadib heshiiska mucaaradkiisa
NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay miiska wadahadalka la fariisato maamulada waddanka.
Hadalkaan ayuu ka sheegay shirka jaraa'id ee lagu saxiixay heshiiska lagu soo afjaray khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo golaha isbedel doonka ee maamul goboleedkaas.
Heshiiska oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Kenya ayaa ka kooban todoba qodob oo nuxurkoodu yahay in lasoo dhiso dowlad wadaag ah iyo Axmed Madoobe uusan dib isku soo sharaxin.
Dhinacyadda heshiiska u saxiixay mucaaradka ayaa waxaa kamid ahaa; Xildhibaan Cabdirashiid Xidig iyo siyaasi Cabdinaasir Seeraar.
"Mas'uuliyadda waalidnimo"
Intii lagu guda jiray shirka jaraa'id, Axmed Madoobe ayaa ku booriyey dowladda Farmaajo in ay garato "mas'uuliyadda waalidnimo" ee ka saaran isku-wadka Umadda iyo hogaanka siyaasadda wadanka.
"Dowladda Federaalka ah horey baan ugu baaqnay, waxaan ku niri 'aan wadahadalno' wadahadal baan diyaar u nahay, in ay qaataan mas'uuliyadda saaran ee waalidnimo oo gartaan xilka saaran waxa uu yahay. Qofka markii uu garto mas'uuliyadda saaran waxay tahay ayuu raadin karaa xalka iyo nabadda waxay tahay," ayuu yiri Axmed.
Wuxuu ku daray: "Dowladda federaalka ahi haku soo dhowaato wadahadal, iyadda iyo dowlad goboleedyada; iyadda iyo Jubbaland waxay ka tirsaneyso, waxa Soomaali maanta dhex-yaala, kuli waxay u baahan tahay in maanta xal laga gaaro, xalka la gaari karo waa xal wadahadal, lagu gaari karo xal siyaasadeed, wadahadal beyna wax ku dhamaan karaan".
Dhanka kale, Axmed Madoobe ayaa ku waaniyey Soomaalida in ay u hogaan-samaan talooyinka caafimaad looga hortagayo cudurka safmarka ah ee Covid-19, kaas oo kiisaska dalka laga helay ay gaareen 327.
Bogaadin iyo baaq
Geesta kale, siyaasiyiin uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa durba bogaadiyey heshiiska ay kala saxiixdeen dhinacyadda.
"Waxaan bogaadinayaa heshiiska ay wada gaareen madaxweynaha dawlad Goboleedka Jubbaland iyo xubnaha mucaaradka ee isbedel doonka ahaa. Waxaan sidoo kale rajaynayaa in la dhamaystiro heshiiska Koonfur Galbeed. Hoggaanka Dawlada Federaalka waa kuwa keliya ee aan cidna la heshiin, Soomaalina heshiisiinin," ayuu kusoo qoray bartiisa Facebook.
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka tirsan Aqalka Hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa rajeeyay in laga shaqeeyo siddii loo dhaqan-gelin lahaa loona dhameystiri lahaa heshiiska.
"Waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Jubaland iyo madaxda Isbadal-doonka heshiiska ay ka gaareen khilaafkii u dhaxeeyay. Waxaan Ilaahey uga baryeynaa inuu u fududeeyo meelmarinta heshiiska ay gaareen iyo aayo ka talinta masiirka iyo maslaxada dadka iyo deegaanada Jubaland," ayuu yiri.
Axmed Macalin Fiqi, sharci-dejiye ka tirsan Golaha Shacabka ee xeer-dejinta federaalka, ayaa hogaanka Villa Soomaaliya ku tartarsiiyey in ay taageeraan soo afjaritaanka khilaafka siyaasadeed.
"Hambalyo heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland iyo siyaasiyiintii ka soo horjeeday doorashadiisa.!. Madaxda dawladda federaalka waxaan rajaynayaa In heshiiska ay qeybtooda ka qaataan oo la soo afjaro khilaafka iyo iska dabaraaraca aan natiijada wanaagsan laga dhaxlin. Hambalyo madaxweyne Axmed Madoobe oo noqday Nabadoon si nabadgalyo ah ku xaliyey arrintii Jubaland," ayuu mudanaha kusoo qoray Facebook.
Dowladda Farmaajo ayaa markii ay ku fashilantay in ay farageliso doorashaddii uu kusoo baxay Axmed Madoobe waxay diidey in ay la shaqeyso maamulkiisa, balse caalamka wuxuu ku cadaadinayaa in ay aqoonsato.
GAROWE ONLINE