Axmed Madoobe oo ka hadlay xaaladda Gedo

Image

KISMAAYO, Jubaland - Madaxweynaha Dowlada Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyey shirka Golaha Xukuumada Jubbaland kaasoo maanta ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn Golaha Wasiiradda oga warbixiyey xaalada siyaasadda Dalka, Amniga iyo Dowladaha Hoose oo dhawaan dhismahooda laga bilaabay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose.

Siyaasada: Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ku dheeraaday xaalada siyaasada Dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka ee inagu soo fooda leh.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha in Jubbaland ay diyaar u tahay in ay qayb ka qaadato doorashooyinka iyadoo ay mudnaanta leedahay in loo madax banaaneeyo Gudiga doorashada Jubbaland si waafaqsan heshiiskii ay Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ahi ay ku saxiixeen Magaalada Muqdisho.

Gobolka Gedo ayuu sheegay Madaxweynaha in dhibaato weyn ay ku hayaan Ciidamada ay geeysay Dowlada Faderaalka Soomaaliya, kuwaas oo gabi ahaanba xasiloonidii iyo nabadii ka jirtey deegaanka u badaley qalalaaso iyo boobka hantida shacabka.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ku bogaadiyey yagleelida Maamulka Degmada Afmadow kaas oo ay shacabku soo doorteen hogaanka degmada taas oo bilow fiican u ah dhismaha Dowladaha hoose ee degmooyinka Jubbaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM