Axmed Madoobe oo loo kordhiyay waqtiga dhismaha golaha Xukuumadda

Image

31 Octobar, 2015(GO)-Barlamanka maamulka Jubbaland ayaa cod gacan taag ah waqtigii ugu kordhiyay Madaxweyne Axmed Madoobe si uu u soo dhiso golihiisa Xukuumadda, ka dib markii uu dhammaaday waqtigii hore ee la siiyay.

Kulan Xildhibaanadu ku yeesheen magalada Kismayo, ayaa waxaa u codeeyay muddo kordhintan 54 mudane, saddex ayaa ka aamusay, labo xildhina waa diideen.

Aadan Khaliif Gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee Barlamanka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay muddo kordhinta, waaxuuna u soo jeediyay Axmed Maxamed Islaam in golihiisa wasiirada ku soo magacaabo muddo dhan labo bilood.

Xildhibaanada ayaa horey muddo kordhin ugu sameeyay Axmed Modoobe, balse waqtiga ayaa ka idlaaday xillii uusan soo dhisin xukuumadda Jubbaland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM