Axmed Madoobe oo Muqdisho kula kulmay Musharaxiin

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland, Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta wuxuu la kulmay qaar kamid ah Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxtinimadda Soomaaliya.

Kulankan ayaa ka dhacay hoteel ku yaala nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan halkaasoo Axmed Madoobe uu ka degay Muqdisho ka gedaal markii uu kusoo degay maalintii Talaadada ee todobaadkan.

Axmed Madoobe ayaa kulanka koowaad wuxuu la qaatay Ra'iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Khayre, waxaana ay iska xog-wareysteen is-fanam-waaga ka taagan doorashooyinka iyo qaabka loo xalin lahaa khilaafka.

Kulanka labaad wuxuu la yeeshay Cabdiraxmaan Cabdishakuut Warsamr, oo ah hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir ahna musharax madaxwayne.

Madaxtooyadda Jubaland oo si gaar ah uga hadashay shirkaas ayaa tiri "kulankan oo ka dhacay hoyiga Madaxweynahu uu ka dagan yahay Magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah dadaalka uu Madaxweynahu ugu jiro sidii xal looga gaari lahaa khilaafka Doorashada".

Ugu dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa si wadajir ah u qaabilay madaxwayneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

"Iyadoo ay qeyb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arimaha Doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed iyo Mudane Hassan Sheikh Mohamud isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hanaan Doorasho oo la isku raacsan yahay," ayay Jubaland State House tiri.

Madaxwayne Axmed Madoobe ayaa wuxuu ka qeybgalayaa shirka lagu waddo in uu Muqdisho ku dhexmaro madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamuladda kaasoo looga doodayo xalka is-mari-waaga doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM