Axmed Madoobe oo Muqdishu u dhoofay

Image

18 Octobar, 2015(GO)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa goor dhaweyd ka dhoofay garoonka diyaaradaha Kismayo isagoo ku wajahan magalada Muqdishu oo ka furmayo shir looga hadlayo arrimaha doorashada Somalia ee 2016.

Axmed Maxamed Islaam ayaa safarkiisa waxaa ku wehelinaya xubno ka tirsan maamulkaasi oo isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano.

Wufuud ka socota maamullada Koonfur Galbeed Somalia iyo Galmudug ayaa iyaguna la qorsheynayaa inay tagaan magalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM