Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasoo uu kula kulmi doono saraakiil sare oo ka socda Kenya, Itoobiya, iyo xubno ka tirsan beesha caalamka.

Kulamadaas ayaa looga hadlayaa xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee Soomaaliya, iyadoo si gaar ah looga wada-hadlayo xaalada Jubbaland iyo xiriirka kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya.

Booqashadan ayaa timid xilli ay sii xumaanayaan khilaafaadka kala dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo Villa Somalia ay dhowaan soo rogtay xayiraad safar oo saameyn ku yeeshay Shacabka Jubaland. Xayiraadda safarka ayaa la sheegay inay ku saabsan tahay khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobolka Gedo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ka warbixin doona xaaladda siyaasadeed ee Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya, iyo sidoo kale sidii xal looga gaari lahaa arrimaha amniga ee ka jira koonfurta iyo bartamaha dalka, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah iyo ka shaqeynta nabadgelyada Jubaland. Waxaa la filayaa in kulamada la qaban doono ay saameyn ku yeelan doonaan xiriirka Jubbaland iyo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, taasoo muddooyinkii dambe wajahaysay xiisado siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee, booqashada Axmed Madoobe ayaa muujinaysa muhiimadda ay leedahay taageerada amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, iyadoo Kenya iyo Itoobiya ay door muhiim ah ka ciyaarayaan dadaallada dib-u-heshiisiinta iyo xalinta khilaafaadka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM