Axmed Madoobe oo shaaciyey qodobka Farmaajo u ololeynayey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweyaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam oo Muqdisho qado sharaf ugu sameeyay xubnaha maamulkiisa ku metela baarlamaanka federaalka, ayaa ka warbixiyey shirkii doorashooyinka.

Axmed Madoobe oo mudaneyaasha u sheegay in aysan jirin cid uu wax u qabo ayaa carabka ku dhuftay in madaxweyne Farmaajo uu aad ugu ololeynayey in coddeynta soo aadan noqoto qof iyo cod.

"Maalmihii dhaweyd doodeena waxaa aad u badneyd madaxweynaha Jamhuuriyada aad baa wxaa looga doodayey waa in aan qabano doorasho qof iyo cod ah, waa in 4.5 laga tago, waa in axsaabtii la ogolaado, waa in waqtigeedii lagu qabto, waxaas oo dhan waxaan is-tusinay in ay tahay wax aad u fiican, progress fiican in la qaato ay u baahan tahay, meel fiican oo waddanka la geynayo [in ay tahay] laakiin marka u dambeysa adiga meesha aadan dhaafi karin in aad ogaato oo tabartaada ah," ayuu tilmaamay.

Doorashooyinka soo aadan ayuu adkeeyay ahmiyada ay leedahay in ay waqtigeeda ku dhacdo, isagoo carabka ku dhuftay suurtagalnimada in bilooyin ay dib ugu dhici karto arrimo farsamo.

"Waxa aanu hadda gaarneyna dan baanu mooqdey, sababtoo ah waxaa laga doodayey ee taalay waxay ahayd doorashada aan dooneynay ma qaban karnaa xiligan oo shuruudahaas iska leh oo dareenkaas iska leh, hadii la qaban waayey xasiloonida iyo deganaanshaha asal ah ee ma aha doorashada iyo nooceeda, asalka," ayuu hadalkiisa intaas ku daray.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Axmed Madoobe ayaa shaaca ka dhigay in ay aakhiritaankii isla qaateen in ay dowladda soo aadan u deeyaan in waddanka ay gaarsiiso in dadweynaha ay doortaan hogaankooda.

"Waad garaneysaa 2016-kii doodada ugu badan waxay ahayd 4.5, qof iyo cod, axsaab iyo hala gaarsiiyo. Hadda laakiin, maadaama aan garaneyno 2016 wixii qabsoomay iyo hadda dareenka aan is-tusnay wuxuu ahaa in hadda la sameeyo qariiradii 2024 shaqada wadanka ku socon lahayd oo hadda laga bilaabo; 2021 doorashada marka ay dhacdo in la galo [talaabooyinka] la qaadayo, sharciyada la meelmarinayo, Shabaabka sidda loola dagaalamayo, tirokoobka waddanka sidda loo sameynayo, 4.5 sida looga gudbayo [iyo] doorashada noocaas sidda ay ku dhaceyso," ayuu ka dhawaajiyey.

Sidda laga soo xigtay Axmed Madoobe, hadii dowladda soo socota aan loo dejin qorshe-howleed ay ku howlgaleyso marka ay xafiiska timaado waxaa imaaneysa in hogaamiye walba ku shaqeeyo fekerkiisa.

Sharci-dejiyeyaasha ayaa ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ra'iisul wasaaraha cusub ee lasoo magacaabay iyo in ay "fududeeyaan" meelmarinta heshiiska siyaasadeed ee dowladda iyo maamulada wadanka.

Maxamed Xuseen Rooble, 57-jir haysta dhalashada Sweden oo loo xushay xilka laga eryay Xasan Cali Khayre, ayaa la filayaa in uu hortago Golaha Shacabka kahor inta uusan soo dhisin xukuumadda cusub.

Heshiiska siyaasadeed ee madaxda dowladda iyo maamulada ku gaareen Muqdisho ayaa soo afjaray hubanti la'aanta ku xeeraneyd in coddeynta waqtigeeda ku dhaceyso, hase ahaatee, su'aasha ku hoogan waa fulinta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM

Aadan Madoobe oo u safray Algeria xili uu  wajahayo Mooshin

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa Mooshinka saxiixay, oo ku adkaysanaya inay xilka ka qaadaan Aadan Madoobe, oo lumiyay Kalsoonidii Gollaha.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 09:20AM