Axmed Madoobe oo war kasoo saarey dilkii Gu'jir
KISMAAYO, Soomaaliya - Qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu cambaareeyay weerarkii xalay Al-Shabaab ka geysatay magaaladda Garowe, ee xarunta Puntland, kaaso oo lagu dilay gudoomiyihii Nugaal AUN Cabdisalaam Xasan Xirsi [Gu'jir].
Madaxda sare ee dawladda Federaalka Soomaaliya, oo ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale ka tacsiyadeeyay geerida Gu'jir, iyagoo u muujisay Puntland is-garan-taag kadib qaraxii Al-Shabaab.
Waxaa ku dhaawacmay weerarka taliyihii hore ee booliska Nugaal Faarax Galangooli iyo askar ku sugnayd goobta, kuwaasoo la dhigay Isbitaalka guud ee magaaladda Garowe.
HALKAN HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA:
GAROWE ONLINE