Axmed Madoobe oo xilal u dhiibey saraakiil xukuumaddiisa mucaarad ku ahaa

Image

August 11, 2015 (GO)- Madaxweynaha Jubaland ee waqtigiisu sii dhammaanayo Mudane Axmed Madoobe ayaa xilal u dhibey labo sarkaal oo horay mucaarad ugu ahaa xukuumaddiisa.

Labadan nin oo kasoo jeeda gobolka Gedo waxaa lagu kala magacaabaa Col. Cabbaas Ibraahim Gurey iyo Cabdulaahi Cismaan (Cabdullaahi Yare).

Col. Cabbaas waxaa loo magacaabay taliyaha guutada ciidamada amniga Jubaland ee gobolka Gedo halka Cabdullaahi Yarena loo magacaabay ku-xigeenkiisa.

Magacaabista labadan sarkaal ayaa kusoo aadeysa xilli muddo todobaad ka yari ka harsan tahay waqtiga ay dhacayso doorashada madaxweynaha Jubaland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM