Axmed Madoobe: Xasan Sheekh wuxuu dib noo xasuusinayaa wixii dhacay 2013

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Isagoo ka hadlayay Ciidanka dowladda Soomaaliya u dirtay Raaskambooni, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu reer Jubaland dib u xasuusinayo dagaalkii Kismaayo ka dhacay 2013 kadib doorashadii xiligaas dhacday.

Wuxuu Axmed Madoobe xusay in Jubaland aysan ahayn gobol ku yaalla Kenya ama Itoobiya, balse ay tahay dhul Soomaaliyeed, oo dad Soomaali ah ku nool yihiin, isagoo ugu baaqey dowladda inay joojiso hab-dhaqanka colaadda ku salaysan.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan Jubaland waxba u dhimayn duulaanka Villa Somalia kusoo qaadey, isagoo tusaale usoo qaatey isku-daygii dowladdii hore ay isku dayday inay Kismaayo Ciidan Itoobiyaan ah ku qabsato, sidoo kale doorasho lagu qabto Gedo, si maamul kale looga dhiso, balse ay socon waysay taasi.

Xiisadda hadda taagan waxaa laga digay inay dagaal dhaliso, maadaama labada dhinac ay Ciidan badan geeyeen Raaskambooni, oo ku dhaw degmada Bandhaadhe, waxaana tallaabooyinka ay dib u dhac ku keenayaan hanaanka dib usoo kabashadda Soomaaliya iyo dagaalka AS.

Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyay RW Xamse in loo adeegsanayo burburinta degaan doorashadiisa Jubaland, islamarkaana uu noqday mas'uul dayacay dadkii uu matalayay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM