Axmed Saciid Fiqi oo kasoo muuqdey liiska baarlamaanka Koonfur Galbeed

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Axmed Saciid Fiqi, ayaa kasoo muuqdey liiska Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee maanta la shaaciyey.

Guddiga madaxa banaan ee soo xulista baarlamaanka labaad ee maamulkaas ayaa ku dhawaaqay mudaneyaasha oo ah 95 Xildhibaan oo kala metelaya bulshooyinka.

Tiradda mudaneyaasha ayaa waxay horey u ahayd 149, waxaana loo yareeyay "si loo waafujiyo dastuurka ismaamulkaas".

Badi sharci-dejiyeyaasha kusoo baxay xeer-dejinta ayaa ah wejiyo cusub, taasoo ka dhigan in ay ku yar yihiin xubnihii hore.

Fiqi oo ku jira wejiyadda cusub ayaa xogo kala duwan ay kasoo baxayaan ujeedada ka dambeysa kamid noqoshadiisa golahaas.

Xogo laga helay illo wareedyo muhiim ah ayaa xaqiijinaya in la qorsheynayo in laga dhigo afhayeenka baarlamaanka maamulkaas.

Shariif Sheekhunaa Maye ayaa haatan haya xilka guddoomiyaha, wuxuuna aad ugu dhowaan maamulkii Shariif Xasan Aadan oo is-casilay kahor doorashadii December, 2018.

Ma jirto shaacin rasmi ah oo ka timid Fiqi oo ku saabsan in uu iska casilay xilka danjiraha EU-da si lamid ah safiirka dalka u fadhiya Belgium-ka.

Dowladda Farmaajo ayaa tan iyo markii ay xafiiska timid bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii waxay dedaal badan gelisay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd maamul goboleedyada, talaabadaas oo la dhaleeceeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM