Baaq laga soo saarey guddiga kasoo talobixinaya nooca doorashadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbi siyaasadeedka Wadajir ee uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo dhaweeyay natiijadii kasoo baxay shirkii madaxda dowladda federaalka iyo maamulada ee Dhuusamareeb.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Wadajir Party, xisbiga ayaa rajeynaya in guddiga farsamo ee loo saarey in kasoo talo-bixinta nooca doorashada ay ka qeybgeliyaan xisbiyadda mucaaradka ah ee waddanka ka jira.

Hogaamiyeyaasha dowladda federaalka ah iyo maamuladda ayuu ugu baaqay in ay dedejiyaan magacaabida guddiga farsamo maadaama waqtiga uu gabaabsi yahay isla markaana mudada lagu balamay ay aad u dhow-dahay.

Bisha soo aadan ee August 15-keeda ayaa la qorsheeyay in guddiga uu warbixin ku celiyo madaxda oo isku raacay in ay isla Dhuusamareeb kusoo laabtaan laba todobaad kadib si ay go'aan mideysan uga gaaraan doorashadda.

"Waxaan Beesha Caalamka ku boorineynaa in ay taageeraan heshiiska Soomaalida, si loo xoojiyo doorasho xiligeeda si nabad ah ku dhacda," ayaa la raaciyey bayaanka oo Galmudug uga mahadceliyey martigelinta shirka.

War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Dhuusamareeb ayaa lagu caddeeyay in madaxda isla qaadatay in doorashada soo aadan xiligeeda ku dhacdo, guddi farsamo kasoo talo bixiyo nooca iyo kulan kale oo 15-ka August dhacaya.

Maxsuulkaan ayaa lagu sifeeyay mid weji gabaxa looga badbaadinayey shirka maadaama mudadii ay hogaamiyeyaasha shirsanaayeen ay isku fahmi waayeen nooca doorashadda ayna ahayd qodobka kaliya dooda adag ka taagneyd.

Hoos ka akhriso bayaanka xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo si gabasho la’aan ah ugu faanay guulaha Ciidamada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu maqaalka ku shegeey in dagaalka lagula jiro argagixisada…

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 12:26PM