Baaq laga soo saarey muranka doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha urur goboleedka IGAD ayaa bogaadiyey heshiiska doorashooyinka ee dowlada federaalka iyo maamulada ay September, 2020 ka gaareen doorashooyinka 2020-21.

Sidda laga soo xigtay qoraal wadajir ah oo madaxdu kasoo saartey shir ay ku yeesheen Jabuuti, waxay soo jeedinayaan in la dhaqan-geliyo heshiiska iyo in la xormeeyo isbedelka lagu sameeyay nooca coddeynta.

"Marka in doorashooyinka ay ku dhacaan waqtigooda waa wax farxad-gelinaya dadka Soomaaliyeed," ayaa la raaciyey bayaanka uu nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online.

Xilli ay ku baaqeen in la fuliyo habraaca ay dowlada iyo maamulada ku heshiiyeen, muranka ka taagan geedi u socodka doorashooyinka ayay cod dheer ku baaqeen in ay wada ogol ka gaaraan daneeyeyaasha.

Guulaha ay ciidamadda dowladda federaalka iyo howlgalka Midowga Afrika kasoo hooyeen la dagaalanka Al-Shabaab ayay bogaadiyeen wallow aysan tafaasiil dheeraad ah ka bixin guulaha ay ka dhawaajiyeen.

Wadahadalka dowladda federaalka ah iyo maamulka Somaliland ayay ku taliyeen in dib loo bilaabo. Hogaamiyeyaasha dalalka gobolka ayay ku booriyeen in ay qaataan doorka fududeynta wadaxaajoodyada.

Is-qabqabsiga doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 ayaa ka taagan guddiyada maamulaya oo Villa Soomaaliya ku darsatay xubno taabacsan iyo ciidamadda amniga ee ay ka dejisay magaalooyinka gobolka Gedo.

Hoos ka akhriso bayaanka

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM