Baardheere: saraakiil Al-shabab ka tirsanaa oo duqeyn lagu diley

Image

July 16, 2015 (GO)- Labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka Ururka Al-shabaab ayaa lagu diley duqeyn goor hore oo saaka ahayd ka dhacday deegaanka Juungal oo qiyaastii 30km u jira  degmada Baardheere ee gobolka Godo.

Wararka hordhaca ah ee Baardheere laga helayo ayaa tibaaaxaya in duqeynta ay fulisey diyaarad nooceedu ahaa kuwa aan duuliyuhu wadin.

Saraakiisha la bartilmaameedsaday oo lagu kala magacaabi jirey Ismaaciil Jabhad iyo jaamac Dheere, waxay la socdeen kolonyo gaadiid ah oo ku sii jeeddey difaacyo Al-shabab ka sameysteen duleedka Baardheere, si ay isaga caabiyaan ciidamada AMISOM ee halkaas duulaanka ku ah.

Mas'uuliyadda duqeynta saaka ka dhacday duleedka Baardheere ilaa hadda cidi ma sheegan, dhanka Al-shabaabna kama soo bixin wax war ah oo arintaas ku saabsan, waxaana hawada laga saarey khadka isgaarsiinta degmada Baardheere iyo deegaannada ku xeeran.

Diyaaradaha bilaa duuliyaha ah ee Maraykanka ayaa dhowr mar oo hore Soomaaliya ka fuliyey duqymo caynkan oo kale ahaa.

Waxaa xusid mudan, in Dowladda Federaalku Mar 7, 2015 shaacisey in ay markii ugu horreysey adeegsan doonto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula dagaalanto Al-shabaab. 


Duqeymo horay u dhacay:

September 1, 2014 duqeyn Maraykanku ka geystey deegaanka Haawaay oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxaa lagu diley hoggaamiyihii hore ee Al-shabab Axmed Cabdi Godane.  

December 29, 2014 duqeyn kale oo diyaaradaha Maraykanku ka fuliyeen deegaanka Saakow ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaa lagu diley labo sarkaal oo ka tirsanaa hoggaanka ururka Al-shabaab.  Labada nin midkood waxaa lagu magacaabi jirey Cabdinaasir Xasan Barakow Tahliil. 

Jan 31, 2015 duqeyn ka dhacday deegaan dhanka bariga kaga beegan degmada Diinsoor ee gobolka Bay waxaa lagu diley sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab oo lagu magacaabi jirey Yuusuf Dheeg. Ninkaasi sida la sheegay wuxuu ahaa madaxa sirdoonka iyo hawlgallada gudaha ee Al-shabab. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xog cusub oo laga helay diyaaradii ku burburtay Garoonka Muqdisho

Diyaaradda ayaa waxaa maamula ciidanka Midowga Afrika ee qeybta ka ah ciidamada Uganda (UPDF).

  • Soomaliya

    02-07-2025

  • 01:10PM

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM