Baaritaano ka socda Kismayo, dhimashada oo kor u kacdey

Image

23 August, 2015 (GO)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee Jubbaland ayaa sheegaya in ay saaka magaalada qeybo badan oo kamid ah ku waabariisteen ciidamada amniga, gabi ahaanba waxaa dadweynaha loo diidey in ay maraan wadooyinka qaarkood.

Howlgaladan ayaa ka dambeeyey markii uu shalay ka dhacay magaaladaas qarax weyn oo lala beegsaday Jamacadda Kismaayo oo lagu tababarayay ciidamada qaybta ka noqanayo Federaalka.

Baaritaanada ayaa socday tan iyo xalay, balse saaka waxaa gudaha loogalay guryaha qaarkood iyo goobaha wax lagu barayey, sida ay sheegeen shabacka, inkastoo aan la heyn xaqiiqo ku aadan dadka lasoo qab-qabtay.

Saraakiisha amaanka dawladda Jubbaland ayaa hoosta ka xariiqay in aysan marnaba ka hari doonin dhagar qabayaashii qeybta ka ahaa weerarkii shalay, waxa ayna sheegen in ay hayaan macluumaad la xariira qaraxan iyo dadkii abaabulay oo ay xuseen in ay qaarkood hada gacanta ku hayaan.

Dhinac kale waxaa kor u kacey dhimashidaii qaraxa shaley lala beegsadey ciidamada iyadoo gaartey dhowr iyo labaatan halka dhaawacuna intaas ka badan yahay.

Madaxweynaha dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shalay faray ciidamada nabadgalyada in ay gacanta ku soo dhigaan cid kasta oo lug ku lahayd arrimahan, isla markaasna ay sharciga iyo cadaalada horkeenaan si looga gudo wixii ay geysteen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Qatar ayaa cadeeyay in dowladiisa ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisayo isfahan.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 12:27PM

Garoon Diyaaradeed Cusub oo $800 Milyan ku baxaysa oo laga hirgelinayo Duleedka Muqdisho

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in garoonka cusub uu yeelan doono adeegyo casri ah oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.

  • Soomaliya

    30-06-2025

  • 09:12AM