Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo la doortay 65%

Image
Xulista 96 xubnood oo u dhiganta 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka ayaa dhiman.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga Qaran oo khamiistii kulan ka yeeshay dardargalinta doorashada golaha shacabka ayaa isku raacay in lagu soo dhamaystirayo codaynta 15-ka Maarso 2022.

Madashan uu hogaamiya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Halkaan ka aqri xildhibaanada la doortay iyo inta dhiman?

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka kooban 275 ayaa la soo doortay 179 xubnood oo u dhigma 65%, halka ay dhiman yihiin 96 xubnood oo u dhigma 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka.

Puntland

Dowlad-goboleedka Puntland waxaa taala 37 kursi ilaa iyo hada la doortay 15 mudane waxaa ku harsan 22 kursi oo aan la shaacin goorta ay dhaceyso doorashada.

Galmudug

Galmudug ayaa waxa taala 37 kursi waxaa la doortay 26 mudane waxa u harsan 11 kursi kuwaas oo aan weli la qaban doorashadooda.

HirShabeelle

Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle waxaa loo asteeyay doorashada 38 kursi, waxaa la doortay 14 kursi waxaa u harsan 24 kursi.

Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la doortay 50 mudane waxaana u harsan 19 kursi kuwaas oo lagu wado in dhawaan la qabto codayntooda.

Jubbaland

Dowlad Gobaleed  Jubbaland waxaa loo asteeyay 43 kursi, waxaa la doortay 23 mudane waxaa u ku harsan 20 kursi.

Somaliland

Xildhibaanada Somaliland Goballada Waqooyi waxaa taalla 46 Xubnood, waa la soo dhamaystiray.

Banaadiriga

Beellaha banaadiga ayaa leh 5 kursi waana la soo dhamaystiray doorashada 5 kursi.

Tan ayaa ka dhigan in xildhibaanada la doortay ee golaha shacabka ay yihiin 179 mudane waxaa dumar ka ah 40 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay halka kuraasta Ragga ay yihiin 139 kursi oo dhiganta 77.6%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM