Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo la doortay 65%

Image
Xulista 96 xubnood oo u dhiganta 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka ayaa dhiman.

MUQDISHO, Soomaaliya – Golaha Wadatashiga Qaran oo khamiistii kulan ka yeeshay dardargalinta doorashada golaha shacabka ayaa isku raacay in lagu soo dhamaystirayo codaynta 15-ka Maarso 2022.

Madashan uu hogaamiya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xilgaarsiinta ah Maxamed Xuseen Rooble waxaa qeyb ka ah Madaxweynayaasha Dowlad Gobaleeyada Dalka iyo Guddoomiyaha Gobalka Banaadir.

Halkaan ka aqri xildhibaanada la doortay iyo inta dhiman?

Xildhibaanada golaha shacabka oo ka kooban 275 ayaa la soo doortay 179 xubnood oo u dhigma 65%, halka ay dhiman yihiin 96 xubnood oo u dhigma 35% tirada guud xildhibaanada golaha shacabka.

Puntland

Dowlad-goboleedka Puntland waxaa taala 37 kursi ilaa iyo hada la doortay 15 mudane waxaa ku harsan 22 kursi oo aan la shaacin goorta ay dhaceyso doorashada.

Galmudug

Galmudug ayaa waxa taala 37 kursi waxaa la doortay 26 mudane waxa u harsan 11 kursi kuwaas oo aan weli la qaban doorashadooda.

HirShabeelle

Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle waxaa loo asteeyay doorashada 38 kursi, waxaa la doortay 14 kursi waxaa u harsan 24 kursi.

Koonfur Galbeed

Koonfur Galbeed waxaa taalla 69 kursi waxaa la doortay 50 mudane waxaana u harsan 19 kursi kuwaas oo lagu wado in dhawaan la qabto codayntooda.

Jubbaland

Dowlad Gobaleed  Jubbaland waxaa loo asteeyay 43 kursi, waxaa la doortay 23 mudane waxaa u ku harsan 20 kursi.

Somaliland

Xildhibaanada Somaliland Goballada Waqooyi waxaa taalla 46 Xubnood, waa la soo dhamaystiray.

Banaadiriga

Beellaha banaadiga ayaa leh 5 kursi waana la soo dhamaystiray doorashada 5 kursi.

Tan ayaa ka dhigan in xildhibaanada la doortay ee golaha shacabka ay yihiin 179 mudane waxaa dumar ka ah 40 oo u dhiganta 22.3% tirada la doortay halka kuraasta Ragga ay yihiin 139 kursi oo dhiganta 77.6%.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM