Baarlamaanka Carabta oo baaq u diray madaxda Soomaalida

Image

QAAHIRA, Masar – Madaxweynaha baarlamaanka Jaamacadda Carabta, Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi oo Isniintii shalay war-saxaafadeed soo saarey, ayaa ugu abaqay dhinacyadda Soomaaliya in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka ka taagan doorashooyinka heer federaal ee 2020-21.

Al-Asoumi ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay in hogaamiyeyaasha siyaasadda Soomaaliya ay diiradda saaraan sidii ay danta qaranka uga horumarin lahaayeen tan shaqsiyadeed ee gaarka ah.

"Tani waxay sababeysaa in la gaaro heshiis heer qaran ah kaasoo sababaya in doorashooyinka ay ku qabsoomaan sidda ugu dhow uguna macquulsan, si lamid ah adkeynta amniga iyo xasiloonida," ayuu xusay.

Baarlamaanka Carabta ayuu ku nuux-nuux-saday in uu ku garab-is-taagayo Soomaalida sidii ay uga bixi lahaayeen mar-xalada kala guurka uuna taageerayo dedaaladda xalka loogu goobayo khilaafka taagan.

"Wadamadda Carabta waxay u heelan yihiin in ay xiriir furan oo wax wada qabsi ah ay la yeeshaan Soomaaliya," ayuu tibaaxay.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii Ururka Jaamacadda Carabta uu ku booriyey madaxda Soomaalida in ay wadaxaajood iyo is-afgarad ka gaaraan kala-taag-taaga siyaasadeed ee waddanka uu ku jiro.

Inkasta oo ay jiraan dowlado kale, dalalka Carabta ayaa la rumeysan yahay in ay qeyb ka yihiin awoodaha shisheeye ee ku loolamaya doorashooyinka soo aadan ee Soomaaliya ayna kala taageerayaan qaar kamid ah musharaxiinta taagan iyo madaxweynaha muddo xileedka uu ka dhamaadey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay duleedka Baydhabo iyo Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo

Dagaalkan ayaa ku soo beegmaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 09:01AM

Walaac Laga Muujiyay Qoraallada Wasiirka Dekadaha DFS ee hurinta colaadda sokeeye ee Koonfur Galbeed

Ma aha wax la aqbali karo in Wasiirka Dekadaha uu noqdo af-hayeenka ciidanka ama qofka sheegaya goobaha ay qabsanayaan.

  • Soomaliya

    30-03-2026

  • 08:50AM