Baarlamaanka JFS oo soo saaray xeer lagu burinayo Heshiiskii Itoobiya iyo Maamulka Somaliland

Image
Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta isugu yeeray Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Kulan aan caadi aheyn, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Baarlamanka ayaa ka hadlay moowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeed dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay intii lagu guda jiray kulanka in wixii Addis Abbaba ka dhacay ay ka soo hor jeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Dhanka kale hadal-jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood adag ka yeeshay, heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Baarlamaanka ayaa sidoo kale maanta soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka shalay lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed.

Waxayna cadeeyeen in lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya.

Baarlamaanka labadiis aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka maanta uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM

Qarax khasaare u geystay ciidanka difaaca Puntland oo ka dhacay gobolka Bari

Weerarkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayso walaaca laga qabo habsami u socodka hawlgallada Puntland.

  • Soomaliya

    13-03-2026

  • 07:10PM