Xildhibaanadii ugu badnaa oo xaadiray kulanka lagu ansixinayo Rooble

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha magacaaban ayaa maanta hortagaya Baarlamaanka, iyadoo Xildhibaanada la filayo inay siiyaan kalsoonida si uu usoo dhiso Xukuumad cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo fadhiga Maanta, oo ka dhacaya xarunta Villa Hargeysa oo Madaxtooyadda ku dhex-taalla, maadaama xaruntii Gollaha Shacabka dhismo uu ku socdo.

Xildhibaanno aan horey usoo xaadiri jirin kulmada ayaa maanta jooga, kuwaasoo uu kamid yahay Prof Jawaari, waxaana wararka aan ka helay Villa Hargeysa ay sheegayaan in Kooraamka si aad ah loo soo buuxiyay Maanta.

Rooble ayaa xilka loo magacaabay 17-kii bishan, saacado kadib markii Farmaajo iyo Madaxda Maamullada ku dhawaaqeen heshiiska doorashadda kadib afar maalmood oo wadahadal ah oo ay ku yeesheen Villa Soomaaliya.

Warar hoose oo Garowe Online helayo waxay sheegayaan in Wasiiradii Khayre ay soo noqon doonaan, oo Xukuumadda Rooble kasoo muuqan doonaan, maadaama ay adag tahay in waqti kale lagu bixiyo in lasoo xulo shaqsiyaad cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM