Baarlamaanka oo faragelinaya wadahadaladda doorashadda 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu isku dayi doona in uu farageliyo wadahalada doorashooyinka 2020-21, sidda uu shaaciyey afhayeenka Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Gudoomiyaha ayaa hadalkaas ka sheegay munaasabadda furitaanka kalfadhiga 7aad ee labadda gole ee xeer-dejinta waddanka.

Senator-ka ayaa soo jeediyey shir deg-deg ah oo ay yeeshaan madaxda dowladda federaalka, maamuladda, saamileyda iyo beesha caalamka "si loo helo qaab raali la isaga yahay oo lagu galo doorashooyinka heerka Qaranka".

"Waxaan filayaa in baarlamaanka isu xil-saari doono doorka isku keenida dhamaan qeybaha kala duwan ee aan looga maarmeyn qabashadda doorashooyinka heer qaran," ayuu hadalkiisa intaas raaciyey.

Hadalka Cabdi Xaashi ayaa kusoo hagaagaya xilli dhowaan uu maamulka Koonfur Galbeed burburiyay wada-xaajoodyadda dowladda iyo maamuladda markii uu diidey soo jeedinada waqtiga kulamada ee maamulada kale.

Puntland iyo Galmudug oo quudareynayay in ay marti-geliyaan wadahadaladda ayaa muddeeyay waqtiga, halka Koonfur Galbeed uu dalbadey wixii ka dambeeya July, isagoo aanan shaacin waqti go'an ama rasmi ah.

Hogaanka dowlad goboleedkaas ayaa xiriir dhow la leh madaxda Villa Soomaaliya oo la tuhunsan yahay in aysan dooneyn doorasho xiligeeda ku dhacda, wallow ay warbaahinta ay fagaareyaasha ka sheegaan in ay diyaar u yihiin.

Isagoo hadalkiisa sii wata, gudoomiyaha Aqalka Sarre ayaa ku baaqay in ay dowladda iyo maamuladda ay ka heshiiyaan khilaafka siyaasadeed ee ka dhaxeeya una turaan mar-xalada dalka ku jiro.

Dhanka kale, Cabdi Xaashi ayaa labada gole ku booriyey karaarsiinta dhameystirka dastuurka "si dalkeena uga baxo is-qabqabsiga Dastuurka ayna dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ay waafujiyaan dastuurkooda".

Dastuurka Soomaaliya ayaa la sheegay in uu yahay kan ugu badan ee dhaqaalaha lagu bixiyey guud ahaan caalamka. Xukuumadihii taladda waddanka isaga kala dambeeyay waxay ku guuldareysteen in ay ku qabyo-tiraan xiligooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM