Baarlamaanka PL oo go'aan ka gaaraya xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 6, 2014 (GO)- Baarlamaanka Puntland ayaa maanta u codeyn doona ansixinta xeerka gudiga doorashooyinka Puntland kadib markii wax laga bedeley qaar kamid ah qodobada xeerkaas oo markii ugu horeysey la meel mariyey January 2, 2011.

Xeerkan oo bishii hore ee November Golaha Wasiirradu ansixiyeen, waxaa xildhibaannada baarlamaanka Puntland loo qaybiyey maalintii Talaadada ee lasoo dhaafay.

Qodobada wax laga bedeley ee xeerkan ku jira waxaa kamid ah qodobka sagaalaad oo qeexayey xil ka qaadista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo weliba sababaha keeni kara in xubin guddigaas ka tirsan xilka laga xayuubiyo.

Xeerkii guddiga doorashooyinka ee  xukuumaddii Madaxweyne Farole wuxuu qodobkiisa sagaalaad dhigayey in xubintii lagu helo anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo dadweyne xilkeeda waayi doonto.

Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo ajendayaashiisa ugu muhiimsanaayeen la xisaabtanka xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha, wuxuu soo xirmi doonaa sagaalka bishan socota ee December.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM