Barlamaanka Puntland oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image

December 9, 2014 (GO)- Barlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka Puntland oo dhowaan xukuumadda Cabdiweli Gaas wax ka bedel kooban ku sameysey. 

Fadhiga barlamaanka ee maanta oo 50 xildhibaan soo xaadireen waxaa xeerka oo 24 qodob ka kooban ogolaaday in la ansixiyo 45 xildhibaan, halka saddex xildhibaan oo kale diideen labona ka aamustey.

Xildhibaan Sicii Cabdi Samatar (Surcad) oo waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa sheegay in barlamaanku qodobka 10-aa ka saarey xeerka maadaama ay u arkeen inuu yahay mid aan munaasib ahayn.

Qodobka la saaray ayaa qeexayey kaalinta Wasaaradda Dastuurku ku yeelanayso hawsha gudiga doorashooyinka, arintaasoo ay xildhibaanada badankoodu saluugeen dabadeedna loo codeeyey in qodobkaas xeerka laga saaro.

Qodobada xukuumadda Cabdiweli Gaas wax ka bedeshay ee xeerkan ku jira waxaa kamid ah qodobka sagaalaad oo qeexayey xil ka qaadista xubnaha guddiga doorashooyinka iyo weliba sababaha keeni kara in xubin guddigaas ka tirsan xilka laga xayuubiyo. 

Xeerkii guddiga doorashooyinka ee  xukuumaddii Madaxweyne Farole wuxuu qodobkiisa sagaalaad dhigayey in xubintii lagu helo anshax xumo, musuqmaasuq ama xatooyo xoolo dadweyne xilkeeda waayi doonto. 

Kalfadhiga 34-aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo dhowaan soo xirmi doona, waxaa ajendayaashiisa ugu muhiimsanaa la xisaabtanka xukuumadda iyo hay'adaha kale ee dowliga ah, ammaanka, miisaaniyadda sanadka 2015 iyo dhaqaalaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Ammaanay Guusha Puntland ka gaartay Dagaalka Daacish

Hadalkan ayaa imaanaya xilli ciidamada ammaanka Puntland ay wadaan hawlgallo xooggan oo ka dhan ah kooxda Daacish.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 04:13PM

Soomaaliya oo Safiir Cusub u Magacowday Suuriya oo tan iyo 2011 dagaal ku jirtay

Danjirihii hore ee ku-meel gaarka ahaa, Daahir Maxamuud Muuse, ayaa horey u aas-aasay wadashaqeynta dib u furashada xiriirka.

  • Soomaliya

    05-09-2025

  • 03:55PM