Baarlamanka oo cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Xukuumadda Cusub

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida siiyay Gollaha Wasiiradda ee uu soo dhisay dhawaan Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Afhayeenka Gollaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay in dhamaan Xildhibaanadii kulanka soo xaadiray Maanta oo gaaraya 188 ay ansixiyeen Xukuumadda, isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inaysan jirin Xildhibaan diiday ama mid ka aamusay.

Rooble ayaa mudo bil ah ku qaadatey inuu kusoo magacaabo Wasiiradda, oo in ka badan 50% ay yihiin xubno laga soo xulay Xukuumaddii Xasan Cali Khayre, ee la riday 25-kii July 2020.

Mudo 3 bilood ah ayaa u harsan mudo xileedka dowladda, waxaan Wasiiradda cusub u taalla howl culus, oo ay ugu horeyso doorashadda oo sida uu dhigayo heshiiskii madaxda dalka la doonayo in 1-da December billaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM