Baarlammaanka Jubaland oo diidey in dib loo dhigo waqtiga doorashada

Image

August 4, 2015 (GO)- Baarlammaanka Jubaland ayaa ku gacan sayrey codsi uga yimid Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan, kaasoo ahaa in dib loo dhigo waqti la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlammaanka Jubaland Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in cod la geliyey dalabka Madaxweynaha, aqlabiyadda baarlammaankuna diiddey in dib loo dhigo doorashada.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Axmed Madoobe qoraal uu ku dalbanayo dib u dhigista doorashada u gudbiyey guddoonka baarlamaanka Jubbaland. 

Ujeedada ka dambeysa codsigan mar uu sharraxayey, wuxuu sheegay in uusan dooneyn muddo kororsi, balse waqtiga baarlammaanku iclaamiyey in doorasho dhacdo ay maalmo koobani ka harsan yihiin, suurogalna aysan ahayn in si fiican doorashada loogu diyaar garoobo.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada Jubaland ayaa horay loo shaaciyey in ay qabsoomi doonto 15-ka bishan August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday nidaamka cusub ee E-Visa, kuna eedeysay DFS faragelin sharci-darro ah

Maamulka Puntland wuxuu si joogto ah u difaacay madaxbannaanida uu ku leeyahay maamulka gudaha ee kaabayaashooda muhiimka ah.

  • Soomaliya

    09-09-2025

  • 06:27AM

Madaxweyne Xasan Sheekh maka qeybgalayaa Xarig Jarka Biyo-xireenka Nile

Ruto iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku sugan Addis Ababa, oo la filayo inay munaasabadda ka qeybgalaan.

  • Soomaliya

    08-09-2025

  • 07:40PM