Baarlammaanka Jubaland oo diidey in dib loo dhigo waqtiga doorashada

Image

August 4, 2015 (GO)- Baarlammaanka Jubaland ayaa ku gacan sayrey codsi uga yimid Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan, kaasoo ahaa in dib loo dhigo waqti la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlammaanka Jubaland Sheekh Cabdi Yuusuf ayaa sheegay in cod la geliyey dalabka Madaxweynaha, aqlabiyadda baarlammaankuna diiddey in dib loo dhigo doorashada.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii Axmed Madoobe qoraal uu ku dalbanayo dib u dhigista doorashada u gudbiyey guddoonka baarlamaanka Jubbaland. 

Ujeedada ka dambeysa codsigan mar uu sharraxayey, wuxuu sheegay in uusan dooneyn muddo kororsi, balse waqtiga baarlammaanku iclaamiyey in doorasho dhacdo ay maalmo koobani ka harsan yihiin, suurogalna aysan ahayn in si fiican doorashada loogu diyaar garoobo.

Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeennada Jubaland ayaa horay loo shaaciyey in ay qabsoomi doonto 15-ka bishan August.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM