Ban Ki Moon iyo wafdi uu hogaaminayo oo Muqdisho soo gaarey

Image

October 29, 2014 (GO)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta soo gaarey wafdi balaaran oo hogaaminayo Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Wafdiga oo dhowr xubnood ka kooban waxaa kamid ah gudoomiyaha bangiga caalamiga ah iyo weliba xubno ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM.

Ban Ki Moon  ayaa mudada kooban ee  Muqdisho uu ku sugan yahay wuxuu la kulmi doonaa madaxda ugu sareysa Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kale Xoghayaha Qaramada Midoobay wuxuu xarigga ka jari doonaa dhismaha cusub ee UNSOM halkaasoo hadda kadib si toos ah ugu hawlgeli doono ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Amaanka Muqdisho maanta si weyn baa loo adkeeyey, waxaana la xiray inta badan jidadka soo gala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Waa markii labaad ee Ban Ki Moon muddo sadex sano gudahood ah booqasho kusoo gaaro magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaiya.

Kahor intuusan Soomaaliya soo gaarin Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu soo maray dalalka Jabuuti iyo Kenya.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu ku saabsan yahay Heshiiska cusub ee Jabuuti la gashay dowladda Soomaaliya?

Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa leh xiriir taariikhi ah oo ku saleysan hiddo, dhaqan iyo dano dhaqaale oo ay wadaagaan.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:51AM

Masar oo caqabado kala kulmaysa Ciidamada ay usoo dirayso Soomaaliya

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xoojiyo xiriirka difaaca ee Soomaaliya iyo Masar.

  • Soomaliya

    31-08-2025

  • 08:18AM