Banaan bax ka dhan ah Al-shabaab oo ka dhacay Muqdisho

Image

06 September, 2015(GO)-Waxaa magalada Muqdisho ka dhacay banaan bax ay dhigayeen dad u badnaa haween oo laga kala keenay degmooyinka gobolka Banaadir waxayna ka soo horjeedeen weerarkii lagu qaaday saldhig ciidamada AMISOM ay ku lahaayeen deegaanka Jannaale.

Mudaharaadayaasha ayaa watey boorar ay ku qornaayeen qoraalo ka dhan ah Al-shabaab iyagoo socod ku soo marey degmada Cabdicasiis oo banaan baxan lagu qabtey.

Arintan ayaa u muuqatey mid lasoo abaabulay waxaana horkacaysay hay’adda Wada hadalka Bulshada ee lagu magacaabo CCD.

Banaan baxan ayaa ku soo aadaya xilli dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay maanta dib ula wareegay deegaanka Buq-Aqable oo dhaca Galbeedka gobolka Hiiraan, halkaasoo bishii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareegeen.

Qabsashada Al-Shabaab ee deegaankaas ayaa ka dambeysay markii ciidamadamo Itoobiyaan ah oo halkaasi ku sugan ay ka baxeen saaka aroortii.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya ay ka guureen saldhigoodii deegaanka Buq Aqable, balse ciidamada dowladda ay ku sugan yihiin deegaano u dhow.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM