Banaan bax looga soo horjeedo weerarkii hotelka Saxafi oo Muqdishu ka dhacay

Image

04 November, 2015(GO)-Waxaa manta magalada Muqdishu lagu qabtay banaan bax looga soo horjeedo weerarkii dhawaan ururka Al-Shabaab ku qaadeen hotelka Saxafi.

Dadka banaan baxa samaynayay oo u badnaa haween,ayaa watay boorar lagu dhigay erayo ka dhan ah ururka Al-Shabaab, waxayna socod dheer ku soo mareen inta u dhaxaysa degmada Shingani ilaa xarunta dowladda hoose  Xamar.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay weerarkaasi, waxayna shacabka dibad baxa sameeyay ka codsadeen inay soo sheegaan xogaha dadka Muqdishu ka wada amni darada, si dowladdu uga hortagto weeraro Al-Shabaab ka gaystaan goobaha muhiimka ah.

Axaddii la soo dhaafay ayay ahayd markii ururka Al-Shabaab weeraro ismiidaamin ah ka gaysteen hotelka Saxafi oo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Somalia iyo kuwa horay xilal u soo qabtay.

Weerarka ayaa gaystay saamayn ballaaran oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo bur bur soo gaaray hotelka iyo dhismayaal ka ag dhawaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jadwalka cusub ee doorashooyinka oo khatar gelinaya wada-hadallada dowladda iyo mucaaradka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey isugu yeeray isbahaysiga mucaaradka ee "Somalia's Future Council".

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 03:07PM

Mucaaradka oo Muqdisho ku yeeshay shir ku saabsan hannaan doorasho oo cusub

Weli ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan kulamada mucaaradka.

  • Soomaliya

    04-05-2026

  • 02:41PM