Bandhig ka furmay Muqdisho

Image
Image
Image
Image

27 August, 2015 (GO)- Waxaa magaalada Mudisho ee xarunta Somalia ka furmay bandhig Buug oo loogu magaca (Mogadishu International Book Fair), kaasoo socon doona 3 maalmood.

Bandhigan ayaa waxaa ujeedkiisa lagu sheegay, Kobcinta Dhaqanka, Qoraalka, Akhriska, Buuggaagta, Cilmiga iyo aqoonta.

Maxamed Sheekh Cali Axmed "Diini" Aasaasaha New Horizon  oo hadal ka jeediyay goobta ayaa sheegay in baahi loo qabay bandhiga buugaagtan.

“Waa guul u soo hoyatay inta Af-Soomaaliga ku hadasha, In la hanaqaadsiiyo akhriska, qoraalka, waxay horseedi karta nabad iyo barwaaqo. Horumarka iyo hantida ugu qiimaha badan ee aan haysanno waa maskaxdeenna inaanu daryeelana waa waajib” Ayuu yiri Diini.

Bandhiggan ayaa waxaa si rasmi ah u furay ku xigeen duqa Muqdisho ee dhanka arrimaha Bulshada, Iimaan Xaaji Iikar wuxuuna  bogaadin u jeediyay carwada oo uu ku sheegay inay tahay mid dhiirri-gelin ah.

Bandhiggan ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo lagu qabto magaalada Muqdisho intii ka danbaysay 1991-dii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamo la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre iyadoo xiisaddu ka sii dareyso Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin ciidamada la geeyay hoyga Xasan Cali Khayre.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:51PM

Sheekh Shariif oo u guuray waqooyiga Muqdisho si uga baaqsado xabsi guri suurtagal ah ka hor bannaanbaxa

Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kamid yahay siyaasiyiinta mucaaradka ee diyaar u ah inay ka qeyb galaan bannaanbaxa.

  • Soomaliya

    09-05-2026

  • 02:23PM