Bandowga Muqdisho oo isbedel lagu sameeyay bisha Ramadan awgeed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Booliska Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqay isbedel lagu sameeyay bandowga habeenkii lagu soo rogay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, taliyaha booliska oo galabta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in bandowga laga soo horumariyey waqtiga uu kolkii hore bilaaban jiray.

"Bandowga wuxuu bilaaban doonaa halka fiidnimo, wuxuuna ku eg-yahay shanta aroornimo, waxaan filayaa in uu cad yahay qodobkaas," ayuu yiri. Bandowga wuxuu kolkii hore bilaaban jiray labada.

Go'aankan ayaa ka duwan codsiyo ka imaanayey shacabka caasimada oo ku saabsan in la dabciyo bandowga bisha barakeysan ee Ramadan awgeed. Soonka ayaa la filayaa in uu bilowdo 24-ka April.

Dhanka kale, taliye Xijaar oo hadalkiisa sii wata ayaa si cad daboolka uga qaadey in ay mamnuuc tahay in maalintii la furo maqaayadaha cunada inta lagu guda jiro Soonka.

Si ay uga adeegtaan dadka kalyeentiga ka ah, maqaayadaha ayuu tilmaamay in ay furi karaan wixii ka dambeeya shanta galabnimo, balse wuxuu tibaaxay in aysan geli doonin gudaha.

"Daaqado ayay sameynayaan, iyaddoo dadka ay safaf gelayaan, halkaasna uga soo dhiibaya waxay u baahan yihiin," ayuu sii raacinaya, isagoo u muuqda mid sharaxaya go'aankooda.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa faray gaadiidleyda rakaabka dadweynaha in aysan qaadi karin dad tirro badan. "Tusaale ahaan, hadii markii ay qaadi jiraan 30 qof, waa in ay hadda qaadaan 15," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM