Bangiga Aduunka oo agaasime cusub u soo magacowday Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Bangiga Aduunka ayaa Keith Hansen wuxuu u soo magacowday in uu noqdo agaasimaha u qaabilsanaan doona wadamada Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda, sidda lagu sheegay wareegto.

Hansen, oo haysta waaya aragnimo ka badan 30 sano dhanka horumarinta ah, ayaa hogaamin mashaariic kor-u-dhaafeysa 100 kuwaaasoo ay ku baxeysa aduun lacageed ka badan $13-bilyan oo Doolar ah.

Magacaabidaan ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo dowladaha Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda ay la daalaadhacayaa xakameynta safmareenka ee Covod-19 kaasoo dhaqaalaha iyo caafimaadka saameeyay.

Kahor jagadaan, wuxuu soo noqdey madaxweyne ku xigeenka iyo agaasimaha Horumarinta Bini'aadamka, Lataliye Sare oo ka tirsanaa Xafiiska Madaxa Fulinta Baanka Aduunka iyo xilal kale oo intaas ka badan.

Dhalashada Mareykanka, shahaadada darajada labaad oo uu ka sameeyay arrimaha bulshada iyo Bachelor-ka oo Cilmiga Siyaasadda ah ayuu haystaa. Jamaacadaha Stanford iyo Yale ayuu ka baxay.

Hansen ayaa ku shaqeyn doona caasimadda Kenya ee Nairobi. Wuxuu xafiiska kala wareegi doonaa Carlos Felipe Jaramillo.

Carlos Felipe Jaramillo ayaa dhowaan laga dhigay madaxweyne ku xigeenka Baanka ee Laatin Ameerikaanka ah iyo gobolka Caribbean. Shaqadaas wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa bartamaha bishaan aynu ku jirno ee September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM