Bangiga Aduunka oo agaasime cusub u soo magacowday Soomaaliya

Image

NEW YORK, US – Bangiga Aduunka ayaa Keith Hansen wuxuu u soo magacowday in uu noqdo agaasimaha u qaabilsanaan doona wadamada Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda, sidda lagu sheegay wareegto.

Hansen, oo haysta waaya aragnimo ka badan 30 sano dhanka horumarinta ah, ayaa hogaamin mashaariic kor-u-dhaafeysa 100 kuwaaasoo ay ku baxeysa aduun lacageed ka badan $13-bilyan oo Doolar ah.

Magacaabidaan ayaa kusoo hagaageysa iyaddoo dowladaha Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda ay la daalaadhacayaa xakameynta safmareenka ee Covod-19 kaasoo dhaqaalaha iyo caafimaadka saameeyay.

Kahor jagadaan, wuxuu soo noqdey madaxweyne ku xigeenka iyo agaasimaha Horumarinta Bini'aadamka, Lataliye Sare oo ka tirsanaa Xafiiska Madaxa Fulinta Baanka Aduunka iyo xilal kale oo intaas ka badan.

Dhalashada Mareykanka, shahaadada darajada labaad oo uu ka sameeyay arrimaha bulshada iyo Bachelor-ka oo Cilmiga Siyaasadda ah ayuu haystaa. Jamaacadaha Stanford iyo Yale ayuu ka baxay.

Hansen ayaa ku shaqeyn doona caasimadda Kenya ee Nairobi. Wuxuu xafiiska kala wareegi doonaa Carlos Felipe Jaramillo.

Carlos Felipe Jaramillo ayaa dhowaan laga dhigay madaxweyne ku xigeenka Baanka ee Laatin Ameerikaanka ah iyo gobolka Caribbean. Shaqadaas wuxuu si rasmi ah ula wareegi doonaa bartamaha bishaan aynu ku jirno ee September.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM