Bangiga Africa oo lacag siinaya Somalia [Dhagayso]

Image

22 Octobar, 2015(GO)-Waxaa la soo gaba gabeeyay shir ka dhacay magalada Brussels ee dalka Belgium kaasi oo lacag loogu yaboohay qaxootiga Soomaliyeed Somalia.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii dowladaha iyo hay'adaha caalamiga ah taageero uga gaysan lahaayeen dib u celinta qaxootiga Somalida ee ku sugan wadamada deriska ah kuwaasi oo doonaya inay dalkooda dib ugu laabtaan.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somalia hadana ah madaxa mashaariicda dibadda ee Afrika Development Bank Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in shirka ujeedkiisu yahay sidii qaxootiga looga taageeri lahaa dhinaca dhaqaalaha.

Bangiga Horumarinta Afrika ayaa kaga dhawaaqay shirka Brussels in ay 30 Milyan ku yabooheen kaalmada la xiriirta dib-u-dajinta qaxootiga Somaliyeed ee doonaya in ay iskood ugu laabtaan dalka Soomaaliya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM