Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya (GO) – Bangiga Maalgashiga Yurub (EIB) ayaa tixgelinaya amaah gaareysa ilaa €70 milyan inuu siiyo Soomaaliya iyadoo loo marinayo Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB). Amaahdaan ayaa noqonaysa maalgelintii ugu horreysay ee noocan ah tan iyo sanadkii 1980.

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay deyn dhan $4.5 bilyan oo qayb ka ahayd barnaamijka HIPC, kaas oo xannibaya in dalka uu qaato amaah dibadda ah illaa 2028. Taasi ayaa dhalisay in lays-weydiiyo su’aalo badan oo ku saabsan waqtiga la qorsheeyay in la saxiixo heshiiskan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan Hodan Osman, oo xiriir dhow la leh, u magacaabay guddoomiyaha SDRB, halka uu Aadan Roble, oo uu soddog u yahay, u magacaabay agaasimaha guud. Arrintan ayaa dhalisay dhaliilo la xiriira in amaahdaasi si toos ah gacanta ugu gasho shaqsiyaad xiriir qoys la leh madaxtooyada.

Amaahda la tixgelinayo waxay ku soo beegmaysaa xilli xasaasi ah, iyadoo dowladda uu hoggaamiyo Xasan Sheekh ay uga harsan yahay wax ka yar hal sano muddo-xileedkiisa dastuuriga ah. Sidoo kale, madaxweynaha ayaa doonaya inuu hirgeliyo hannaan doorasho oo muran badan dhaliyay, kaas oo ay diideen mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyada.

Wafdi heer sare ah oo ka socda EIB ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda soo gaaraan Muqdisho si ay u sameeyaan hubin iyo qiimayn (due diligence). Inkastoo amaahdu taageeri karto mashaariic horumarineed iyo kaabayaal dhaqaale, haddana waxaa jira walaacyo ku saabsan hufnaanta, isla xisaabtanka iyo xaaladda amni ee dalka oo weli jilicsan.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa uga digay in talaabadani ay wiiqi karto dadaallada deeq-bixiyeyaasha caalamiga ah isla markaana ay kicin karto xiisado siyaasadeed oo hor leh.

“Sidee loogu ogolaan karaa amaah noocan ah xukuumad muddo-xileedkeedu ka harsan yahay wax ka yar sagaal bilood? Waa talaabo khatar ah oo dhaawici karta horumarkii iyo maalgelintii sannado badan lagu bixiyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka arrintan la socday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM