Baraha bulshada iyo doorashada: Tartanka cusub ee murashaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mar walba oo doorasho la gelayo, murashaxiinta ayaa ku kala duwan istaraatiijiyadda ololaha. Balse, codeynta 2020-21 ee Soomaaliya ayaa sawireysa tartan cusub oo ay kuwada jiraan kaasoo ah baraha bulshada.

Siyaasiyiinta uu damaca uga jiro in ay ku badiyaan cod-bixinta soo aadan ayaa Muqdisho kawada qorashada shaqsiyaad ku buun-buuniaya baraha bulshadda.

Inkasta oo doorashadu ahayn mid dadweynuhu coddeynayo, wararka ayaa intaas ku daraya in ay qorshahaan u maalgelinayaan si u jilaan in ay taageero haystaan marka ay la kulmaan diblumaasiyiinta wadamada daneeya arrimaha waddanka.

Dowlada waqtiga kasii dhacayo ee uu horkacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warbaahinta casriga ah aad ugu marin-habaabisay shacabka, iyaddoo kireystay shaqsiyaad gunnooyin joogta ah ka qaata xafiisyada ugu sareeya dalka.

Shaqsiyaadkan caanka ka ah barta xiriirka dadweynaha ayaan kaliya faafin warar loogu sacabo tumayo maamulka muddoxileedkiisa dastuuriga uu gabaabsi yahay, taas bedelkeeda, waxay baahiyeen dacaayado ka dhan ah madaxda mucaaradka.

Maadaama murashaxiinta mucaaradka ay kusoo biireen jidka ay furtay Villa Soomaaliya, tani ayaa ka dhigan in dhinac walba isku dayayo in aa looga adkaan.

Si walba hadii loo dhigo, qorshahaan ayaan ahayn mid ay dan ugu jirto shacabka maadaama lagu kharash-gareynayo dhaqaale dalka iyo dadka u baahan yihiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo aad u adeegsada baraha bulshada kana mid ah siyaasiyiinta dowlada kula dagaashay afka iyo gacanta, ayaa saaxiibadii kula taliyey in ay safka soo galaan.

"Waa talo bilaash ah," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey telefishinka Dalsan. Warsame wuxuu kooxda taageersan dowlada ugu magacdaray "Cayayaanka Baraha Bulshadda". Balse, maxaa haboon in loogu yeero darafka dhanka mucaaradka?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM