Baraha bulshada iyo doorashada: Tartanka cusub ee murashaxiinta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Mar walba oo doorasho la gelayo, murashaxiinta ayaa ku kala duwan istaraatiijiyadda ololaha. Balse, codeynta 2020-21 ee Soomaaliya ayaa sawireysa tartan cusub oo ay kuwada jiraan kaasoo ah baraha bulshada.

Siyaasiyiinta uu damaca uga jiro in ay ku badiyaan cod-bixinta soo aadan ayaa Muqdisho kawada qorashada shaqsiyaad ku buun-buuniaya baraha bulshadda.

Inkasta oo doorashadu ahayn mid dadweynuhu coddeynayo, wararka ayaa intaas ku daraya in ay qorshahaan u maalgelinayaan si u jilaan in ay taageero haystaan marka ay la kulmaan diblumaasiyiinta wadamada daneeya arrimaha waddanka.

Dowlada waqtiga kasii dhacayo ee uu horkacayo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warbaahinta casriga ah aad ugu marin-habaabisay shacabka, iyaddoo kireystay shaqsiyaad gunnooyin joogta ah ka qaata xafiisyada ugu sareeya dalka.

Shaqsiyaadkan caanka ka ah barta xiriirka dadweynaha ayaan kaliya faafin warar loogu sacabo tumayo maamulka muddoxileedkiisa dastuuriga uu gabaabsi yahay, taas bedelkeeda, waxay baahiyeen dacaayado ka dhan ah madaxda mucaaradka.

Maadaama murashaxiinta mucaaradka ay kusoo biireen jidka ay furtay Villa Soomaaliya, tani ayaa ka dhigan in dhinac walba isku dayayo in aa looga adkaan.

Si walba hadii loo dhigo, qorshahaan ayaan ahayn mid ay dan ugu jirto shacabka maadaama lagu kharash-gareynayo dhaqaale dalka iyo dadka u baahan yihiin.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo aad u adeegsada baraha bulshada kana mid ah siyaasiyiinta dowlada kula dagaashay afka iyo gacanta, ayaa saaxiibadii kula taliyey in ay safka soo galaan.

"Waa talo bilaash ah," ayuu ku yiri wareysi uu siiyey telefishinka Dalsan. Warsame wuxuu kooxda taageersan dowlada ugu magacdaray "Cayayaanka Baraha Bulshadda". Balse, maxaa haboon in loogu yeero darafka dhanka mucaaradka?

GAROWE ONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM