Barakac Ka Billowday Qaar Ka Mid Ah Xaafadaha Muqdisho Xilli Xiisadda Sii Kordhayso

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Qoysas badan ayaa bilaabay inay ka barakacaan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo ay sii kordhayaan cabsi laga qabo rabshado ama isku dhac ka dhasha xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan caasimadda.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa la safan mucaaradka ay kordhiyeen dhaqdhaqaaqyadooda iyo joogitaankooda meelo ka tirsan Muqdisho, arrintaas oo walaac ku abuurtay shacabka ku nool deegaannada ay xiisaduhu ka jiraan.

Barakacan ayaa imanaya xilli uu cirka isku shareeray khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka ee la xiriira muddo-xileedka dowladda, hannaanka doorashooyinka iyo geeddi-socodka kala guurka siyaasadeed ee dalka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in cabsi laga qabo isku dhac hubeysan ay ku qasabtay qoysas badan inay ka guuraan guryahooda, iyagoo raadinaya goobo ammaan ah oo ka fog meelaha laga dareemayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda ama hoggaanka mucaaradka oo ku saabsan barakaca la soo sheegayo, hase yeeshee xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Muqdisho ayaa u muuqata mid sii xumaanaysa, iyadoo walaaca shacabka iyo beesha caalamkuba uu sii kordhayo.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay socdaan baaqyo gudaha iyo dibadda ah oo loogu yeerayo dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal iyo is-afgarad siyaasadeed, si looga fogaado qalalaase amni oo hor leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM