Barakac ka bilowdey baardheere, dhaq-dhaqaaq ciidan oo socda

Image

Barakac xooggan ayaa 24tii saac ee ugu dambeeyey ka bilowdey degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM dhanka Baardheere u ruuqaansadeen.

Kumanaan ka tirsan Ciidanka Itoobiya oo ka soo gudbay xuduuda maalmihii u dambeeyay ayaa ku wajahan Baardheere, si halkaas uga saaraan Al-Shabaab oo sanadihii u dambeeyey degmadaasi fariisin weyn u ahayd.

Dadka rayidka ah ayaa ka cabsi qaba in lagu dul dagaalamo, waxaana tan iyo shalay degmadaas ka socday barakac xooggan..

Dadka qaxaya oo u badan dumar, carruur iyo dad waayeel ah, waxay u jiheysteen dhanka degmooyinka Luuq, Ceel-Waaq iyo tuulooyinka yaryar ee ku yaalla Jiinka Wabiga.

Wararka Baardheere laga healyo ayaa intaas ku daraya in Al-Shabaab ay wadaan dhaq-dhaqaaq ciidan oo xoog leh, iyagoo dadweynahana si joogto ah ugu wacyi gelinaya inay dagaalka kala qeyb qaataan.

Degmada Baardheere oo ah degmo ku caan ah wax soo saarka beeraha ayaa deris la ah Jubadda Dhexe, waxaana ciidamada huwanta ay doonayaan inay uga sii tallaabaan Jubbada Dhexe, halkaasoo si buuxda Al-Shabaab uga arrimiso.

Related Articles

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM