Barlamanka DF oo Mungaab ku eedeeyey dhul boob [Dhageyso]

Image

06 August,2015 (GO)- Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia oo kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ugu yereen gudoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Max’ed Xuseen Muungaab inuu hor yimaado. Xildhibanaada  ayaa gudoomiye Muungaab ku eedeeyay in uu dhul boob ka wado magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia. 

Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in dhowr jeer u yeereen Muungaab inuu horyimaado balse  iska indho tiray.

Gudoomiyaha gobolka Banadir ayaa waxaa ka imaanaysaa cabasho badan bulshada ku dhaqan Muqdisho tasoo ku aadan dhul badan oo la musuq maasuqay. Munagaab ayaa iminka booqasho ku jooga wadanka Kenya isagoo halkas kulamo kula leh maamulka maamulka Nairobi. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM