Barlamanka DFS oo waqti dheeri ah siiyey Ra'isal Wasaaraha
January 31, 2015 (GO)- Xildhibaanada Barlamanka Dowlada Federaalka ayaa aqbalay codsi uga yimid dhanka Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaake kaasoo ahaa in la siiyo waqti dheeri ah si uu dib u eegis ugu sameeyo xukuumada cusub ee dhowaan lasoo magacaabay.
Ra'isal wasaaraha ayaa dalbaday mudo 10 maalmood ah waxaana codsigaas aqbalay aqlabiyadda xildhibaanadii fadhiga maanta soo xaadiray.
190 Xildhibaan ayaa fadhiga barlamanka maanta kasoo qayb galay waxaana dalabka Ra'isal wasaaraha ogolaaday 139 mudane iyadoo 47 Xildhibaan diideen halka lix xildhibaan oo kale ka aamuseen.
Waa markii labaad muddo bil gudaheed ah ee Ra'isal Wasaare Sharmaake Barlamanka ka codsado inay waqti dheeri ah siiyaan si uu usoo dhiso xukuumad dhameystiran dhammaan dhinacyada siyaasaduna ku qanacsan yihiin.
GAROWE ONLINE