Barlamanka Federaalka oo ansixiyey xeerka gudiga doorashooyinka

Image

February 11, 2015 (GO)- Xildhibaannada Barlamanka Federaalka ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku meel mariyey xeerka guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

113 xildhibaan oo kamid ah 144 fadhigii maanta soo xaadirey ayaa xeerka ogolaaday waxaana diidey 21 xildhibaan halka toban kale ka aamuseen.

Xeerkan oo muddo todobaadyo ah barlamanku ka doodayey wuxuu laf dhabar u yahay doorasho ka dhacda Soomaaliya marka la gaaro sanadka 2016-ka.

Tallaabada xigta ee la qaadayo ayaa noqon doonta magacaabista xubnaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka.

Xeerka maanta la meel mariyey ayaa dhaqan geli doona marka uu saxiixo Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Labo maalmood kahor ayey ahayd markii barlamanku ansixiyey golaha wasiirada ee dhowaan uu soo dhisey Ra'isal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo go'aan adag ka qaatay taageerada amniga Soomaaliya

Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa la sheegay inay wadaan dadaallo lagu raadinayo xal waara oo lagu sii wadi karo hawlgalka.

  • Soomaliya

    18-07-2026

  • 09:33AM

C/kariin Ciidle oo lagu celiyay Mareykanka si uu u wajaho dacwad musuqmaasuq $250 milyan ah

Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in Cabdikariim uu ka baxsaday Mareykanka kaddib markii dacwadaha lagu soo oogay sanadkii 2022.

  • Soomaliya

    17-07-2026

  • 09:13PM