​Barlamanka Hir-Shabeelle oo aqbalay codsi ka yimid Madaxweyne Cosoble

Image

JOWHAR, Somalia - Baarlamaanka cusub, ee Hir-shabelle ayaa markale muddo dheeri ah ugu daray Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble xilliga uu soo magacaabayo Golaha Wasiirrada maamulkaasi.

Xildhibaanada Hir-Shabelle oo ku kulmay xaruntooda Jowhar ayaa cod aqlabiy leh ku ansixiyyay dib u dhigista dhisamaha Golaha xukuumadda,  taasoo katimid madaxweyne Cosoble.

Wararka GO ka helay ilo ka agdhow xarunta Barlamanka maamulkaas, ayaa sheegaya in Xildhibaannada ay mudo Labo bilood ah ugu dareen waqtiga uu Madaxweynaha Hir-Shabelle kusoo dhisayo Golahiisa wasiirrada, oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Mudanayaasha aqalka Wakiillada shacabka Hir-Shabeelle, ayaa sidoo kale Madaxweynaha ka codsaday in uusan la dhaafin labadaasi bilood ee la siiyay, soo xulista Wasiirada maamulka Hir-Shabelle, oo dhawaan lagu dhisay magaalada Jowhar.

Cosoble, ayaa la sheegay inuu aad ugu mashquulsanyahay Doorashooyinka dalka, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inuu kamid yahay hogaamiyaasha u ololeynayo soo laabashada Xasaan Sheekh.

Madaweyne Cosoble ayaa waxa uu kamid yahay Hogaamiyaal u safray Jimcihii dalka Ethiopia, kadib markii la isku mari waayay Shirka Madasha Qaran ee Muqdishu, kadib markii la isku fahmi waayay Kuraasta Baarlamaanka ee la diiday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM