​Barlamanka Hir-Shabeelle oo guddoomiye doortay

Image

JOWHAR, Somalia- Barlamanka dhawaan la dhaariyay ee maamulka dhismihiisu socda Hir-Shabeelle ayaa caawa doortay Guddoomiye kaasoo noqday Xildhibaan lagu magacaabo Cismaan Barre Maxamed.

Wuxuu helay codad gaaraya 61, halka ninka kusoo xigay ee la tartamay uu noqday Abuukar Xasan Cali kaasoo isna helay 28 cod.

Doorashadan, waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Barlamanka Federalka Somalia ee waqtigiisu dhammaaday Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kaasoo maanta gaaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Waxaa sidoo kale ku sugnaa Xildhibaano kasoo jeeda labada gobolka ee maamulkaasi ka koobanyahay.

Waxaa la guda galay doorashada labada ku-xigeen.

Cismaan Barre, ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay qaabka wanaagsan ee Xildhibaanadu u siiyeen kalsoonida, wuxuuna ku dhaartay inuu si daacad ahg u shaqayn doono.

Marka la dhamaystiro doorashada Barlamanka, waxaa la guda gali doonaa midd Madaxweynaha oo la filayo inay qabsoonto 15 bishan.

Guddoomiyaha Barlamanka Somalia ayaa hambalyeeyay doorashadan maanta ka dhacday.

GAROWEONLINE

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM