Barlamanka oo ka dooday sharciga shaqaalaha Shisheeye

Image

29 Augusto, 2015(GO)-Barlamanka DFS ayaa maanta ka dooshay hindise sharciyeedka shaqaalah shisheeye iyo fursadaha muwaadiniinta Somaliyeed.

Dooda barlamanka ee maanta ayaa lagu sheegey in loo bahanyahay sidii loo yareyn lahaa shaqalaysiinta dadka ajnabiga iyadoo la helayo muwaadin awoodi kara qabashada shaqada.

Qaar ka mid xildhibanada Somalia ayaa sheegey inay khalad tahay jacaylka shaqaalaha ajnabiga waxayna xuseen iyadoo taasi jirto inaysan munaasib ahayn si ahaanshaha xildhibanimo.

"Mar hadii la cayrinayo muwadinka Somaliyeed ee ku shaqaynaya 10 dollar isla markaana la keeno qof ajnabi ah oo ku shaqeynaya Kun iyo Shan boqol oo doollar, marka inta taasi jirto munaasib ma ahan inaan sii ahaano xildhibaano"Ayuu mid ka mid xildhibanada Federaalka Somalia.

Sharciga laga doodayay ayaa sidoo kale looga hadlay qaadista canshuuraha ee ku salaysan dhanka shaqaalaha, waxaan loo madlanyahay in barri la isugu yimaado dhameystirka doodan, waxaana wasaaradda Maaliyadda Somalia loo soo jeediyay inay soo eegaan sharcigan iyo talooyinka laga dhiibtey sharcigaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM